Shaah iyo Shaxan

Shaah iyo Shaxan

di Fankeenna
Stagione 2
Halgan Dahir
Qeybtan waxaa marti ku ah Halgan Dahir, waxaana daadihinaysa Aasiya Siciid. Wada sheekeysigan waxaan ku dul istaageynaa dhaqan, suugaan, iyo kaalinta haweenka ee qoraalka iyo hal-abuurka. Waxa kale oo qeybtan ka muuqda Samsam Qaniya oo qaadaysa heeso ay qortay Halgan Dahir, iyo Cabdiraxmaan Samriye oo hees iyo kabanka tumaya.
Taxanaha (Loollan)
Qaybtan Shaah iyo Shaaxan, Mustafe Siciid waxa uu la sheekaysanayaa Maxamed Geelle, Adan Haybe iyo Adna Caydiid oo ka tirsan kooxda taxanaha Loollan. Waxay kaga hadlayaan sida taxanaha loo sameeyay, sheekooyinka uu gudbinayo, iyo caqabadihii ay la kulmeen. Waa wada sheekaysi ku saabsan hal-abuur, sheeko-samaynta, iyo muuqaalka fanka ee soo koraya ee Somaliland.
Ibrahim Abdullah & Mohamed Iman
Qaybtan cusub ee Podcast-ka, waxaan si qoto dheer ugu falanqaynay sheekooyinkii ka dambeeyay filimka gaaban ee "The Skill That Stayed." ee u sameeyay Ibrahim Cabdullah, Isagoo si toos ah loogu daawaday Fankeenna, Khadar Ciise ayaa waraysi xiiso leh la yeeshay Ibrahim iyo Maxamed Iimaan. Wuxu Maxamed nala wadaagay safarkiisii adkaa iyo nolosha cusub ee u ka balaabay Somaliland ka dib markii uu ka soo barakacay dalka Suudaan.
Creating connections to culture - Amina Isir & Aziz Farah
In this special episode, we explore Somali identity, heritage, and storytelling with writer and storyteller Amina Isir, cultural educator and archivist Aziz Farah, and moderator Moustafa Ahmad from the Fankeenna collective. Together they reflect on reclaiming history, shaping cultural connections, and redefining Somali identity across borders. Stories, identity, and Somali heritage — live from Fankeenna, Hargeisa.
Xuseen Boon
Waxaan duubnay podcast-ka #ShaahIyoShaxan oo uu marti ku yahay filim sameeyaha Xuseen boon, kadib daawashada filimkiisa Tagsiile “The New Driver” oo ka dhacay #Fankeenna. Wada sheekaysiga waxaa qaaday Mustafe Axmed, wuxuuna Xuseen kaga warramayaa safarkiisa hal-abuurka iyo falcelintii daawadayaasha. Hadda Dhageyso wareysiga xiisaha leh ee la duubay kadib daawashada filimka.
Maxamed Buux
Hadda waxaad dhagaysan kartaa waraysigii ugu dambeeyay ee #ShaahIyoShaxan, oo ah kal-kiisi koowaad ee qaybtii labaad ee taxnaha. Waxaa marti inoogu ahaa Maxamed Buux, oo Mustafe Axmed ka waraystay turjumidda buugta iyo buugga Gadhoodh Macaan, oo uu qoray Nuuraddiin Faarax islamarkaana uu turjumay Maxamed Buux. #ShaahIyoShaxan #Fankeenna #Writing #Translating
Stagione 1
Najaax Haaruun
Todobaadkan barnaamijkeena Shaah iyo Shaxan waxaa inoogu marti ah Najax Haaruun oo ka sheekeesay waxqabadkeeda iyo kaalinta uu farshaxanku u qaabilsanyahay bulshada iyo hormarkeeda. Waxaana waraystay Mustafe Axmed.
Khadar Caydaruus
Waa Kalkii 11aad ee Shaah iyo Shaxan martida ku ahaa Khadar Caydaruus, oo la duubay kadib markii filinkiisa "Xaaska xabaal-qodka (The gravediggers wife)" aan ku daawanay goobta @Fankeenna, waxaa waraysiga daadahinayay Mustafe Siciid. Fiiro gaar ah: Cillad farsamo awgeed ku timid duubitaankii podcast-ka iyo qaybta su'aalaha ka soo qaybgalayaasha oo si fiican loo duubin, baa keentay in qaybtaas mar labaad si gaar ah loo duubo.
Muna Axmed
Waxaa marti ku ah todobaadkan Muna Axmed oo Mustafa Axmed ka waraystay Qoraalka iyo kaydinta dhaqanka .
Axmed Faayis
Todobaadkan waxaa marti ku ah Shaah iyo Shaxan Axmed Faayis oo kala sheekeestay Maxamed Badri sawirqaadista iyo muuqaal-samaynta oo u kala shaqeeyay goobu warbaahineed iyo Haay’adu caalimi oo kala duwan.
1 di 2